Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Xafladda abaal-marinta shaqaalaha iyo soo sandhigidda waxqabadka hay’adda

Hargaysa-21-01-2022 — Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Ayaa habeen-kii xalay ahaa xaflad ku soo xandhigtay Waxqabadkii Hay’adda iyo abaal-marinta ay u samaysay shaqaalihii ugu hawl-qabadka wanaagsanaa gugii galbaday, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo xafladda ka hadlay, ayaa halkaasi ka sheegay Sannadkii Dhammaaday waxyaabihii Hay’adda u qabsoomay, iyo Hiigsiga ay Hay’addu leedahay Sannadkan hadda Curtay.

Munaasibaddan ayaa waxa ka soo qeyb-galay, Xubno ka mid ah Gollaha Wasiirrada, Guddoomiye-yaasha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Komishinka Maamul-Wanaagga xubno ka mid ah Komshin-neer ka Hay’adda iyo Agaasime-yaal guud, Iyadoo Dhammaan Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ay Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ku boorriyeen kuna bogaadiyeen, shahaqada ballaadhan ee ay Hay’addu Qaranka u hayso, iyo in ay halkaasi ka sii wadaan shaqada, isla markaasina Mas`uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay dhibaatada iyo halista ay leedahay badeecadaha taya-doodu hoosayso iyo tallaabooyinka la Gud-boon Hay`adda Dhawrista Tayada ee ay ku fooggan yihiin dhabarkana u riteen shaqadaas culus iyo qabyo-tirkeeda.

Gabo-gabadiina waxa halkaasi Shahaadiyin iyo Abaal marin lacageed oo kala duwan lagu gudoonsiiyey Shaqaalihii ay Hay’addu u aqoonsatay in ay yihiin shaqaalihii ugu hawl-karsanaa ee sannadkii dhammaaday.