Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Xaflad lagu soo bandhigayay Heertayeedyadda la mideeyay ee Somaliland iyo Ethiopia.

Waxa Magaalda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ka qabsoomay 31 December, 2021 Xaflad lagu soo bandhigayay Heertayeedyadda la mideeyay ee Somaliland iyo Ethiopia.
Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo Haayaddaha Illaalinta Tayada Ethiopia ayaa soo bandhigay 17 Heertayeed oo la mideeyay. Kuwaas oo sahlidoonan ganacsiga u kala gudbaya labadda dal.

Samynta Heertayeedyaddan waxa ka wada shaqeeyay gudiyo farsamo oo ka kala socda labadda dal. Xubnaha gudiyada oo ahaa khubaro aqoon u leh halbeegyadda Heertayeedyadda.
Heertayeedydda la soo bandhigay ayaa waxa ay u kala baxayeen saddex qaybood oo kala ah Heertayeedyadda dalaga beeraha, kuwa raashinka iyo kuwa agabka loo isticmaalo dhismaha.

Xafladda daahfurka waxa ka soo qayb galay madaxda u saraysa labada haayadoon oo ay kala hogaaminayeen Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Muuse Xasan X. Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Tayada ee Ethiopia Md. Bosna Bayissa.