Wefti ballaadhan oo ka kooban Madaxda Hay’addaha Madaxa Bannaan ee Dawladda Somaliland, Agaasimayaal Guud iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safar shaqo oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland (CSI) ugu baxay Dalka Ghana.
Madaxda Dawladda ee safarkan qaybta ka ah waxaa ka mid ah;
1: Guddoomiyaha Hay’adda DhawristaTayada JSL.
2: Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
3: Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga
4: Hantidhawraha Guud ee Qaranka
5: Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda
6: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta
7: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
8: Agaasime waaxeedyada CSI ee Shaqaalaha.
Madaxdan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dawladda ayaa safar aqoon korodhsi ku qaadan doonna Machadka Dawladda ee Ghana Institute of Management and Public Administration. Inta ay halkaasi joogaan madaxda Dawladdu dalka waxa ay fursad u heli doonnaan in ay ka qayb galaan aqoon korodhsi ku saabsan “Hoggaaminta, Dejinta Qorshayaasha Horumarineed iyo Siyaasadda Dawladda”.
Waxa ay sidoo kale la kulmi doonnaan Hay’addo iyo Wasaarado kala duwan oo ay shaqo wadaag leeyihiin.
ALLAA MAHAD LEH.