Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Waxaa Maanta Xarunta Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ka qabsoontay Xaflad ay Xilalka kula kala wareegayeen Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Md, Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf, iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Hay’adda Md, Xamse Cabdi Ibraahin.

 

Munaasibadda Xil-wareejinta ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax, Xubnaha Komishinka Hay’adda, Dhammaan Shaqaalle Weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Marti sharaf kala duwan,

Mudadii ay socotay Xafladda xil-wareejinta ayaa waxa halkaasi hadalo kooban ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uulka xilka wareejinaayey iyo Mas’uulka xilka la waregaayeyba iyo xubno kale oo Guddoomiye ku xigeenkii horana u sii duceeyey Guddoomiye ku xigeenka Cusubna soo dhaweeyey shaqada baaxada culus leh ee Hay’addu Qaranka u hayso Alle uga baryey in uu u fududeeyo halkaasna ka sii waddo shaqadda Qaranka.

 

Ugu danbayntii Waxaa si rasmi ah Dakumentiyadii iyo xilka u kala wareejiyey Labada Guddoomiye ku xigeen Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo mas’uulkii horana sii sagootiyey ka cusubna soo dhaweeyey.

 

 

ALLAA-MAHAD-LEH.