Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu ahayd, 06-May-2023, ka qabsoomay Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayada JSL shirkii billaha ahaa ee shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda, Ujeeddada guud ee shirka ayaa daarnayd dib-isu-qiimeyn iyo dardar-gelin la xidhiidha hawlaha shaqo ee Hay’addu ay Qaranka ugu xil saaran tahay.

Ugu horrayn waxaa shirka furay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax, waxana ugu danbeeyey Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Md, Xamse Cabdi Ibraahim iyo Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Md, Mukhtaar Maxamed Cali iyaga oo halkaas uga soo jeediyey shaqaalaha kelmed dhiirigelin ah oo taabanaysa in ay sida ugu hufan, uguna heersarreysa u gutaan waajibaad-kooda shaqo, waxaana uu Guddoomiyuhu u ballanqaaday shaqaalaha inuu diyaar u yahay isla markaana ay heli doonaan wax kasta oo fududaynaya gudashadada waajibaad-kooda shaqo iyo sidii ay qaranka ugu adeegi lahaayeen habka ugu tayada sarreeya aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

Intaas ka dib waxa halkaas warbixino kooban ka soo jeediyey Waaxaha kala duwan ee Hay’adda Dhawrista Tayada, iyada oo waax waliba ay shirka u soo bandhigtay wixii u qabsoomaay saddex-biloodkii tegey, hawlihii ay u haysay Hay’adda iyo Qarankaba. Waxa ay ka warbixiyeen dhammaantood hannaanka ay shaqada u waddaan, waxyaabihii u qabsoomay, waxyaabaha u qorshaysan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan waaxahoodu.

Gabo-gabadii kulanka waxa soo xidhay Shirka Shaqaale-weynaha Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Md, Mukhtaar Maxamed Cali, isaga oo ku boorriyey shaqaalaha isku-xidhnaanta, wadajirka dhexdooda ah iyo muhiimadda iskaashiga dhanka shaqadu uu u leeyahay xafiiska iyo guud ahaan qaranka Somalilandba.