Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu ahayd, 05-12-2022 ka, ka qabsoomay Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayada JSL shirkii billaha ahaa ee shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda, Ujeeddada guud ee shirka ayaa daarnayd dardar-gelinta hawlaha shaqo ee ay Hay’addu ay Qaranka ugu xil saaran tahay.

 

 

Ugu horrayn waxaa shirka furay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Md, Mukhtaar Maxamed Cali, isaga oo halkaas uga soo jeediyey shaqaalaha kelmed dhiirigelin ah oo taabanaysa in ay sida ugu hufan uguna heersarreysa u gutaan waajibaad-kooda shaqo, waxaana uu Guddoomiyuhu u ballanqaaday shaqaalaha inuu diyaar u yahay isla markaana ay heli doonaan wax kasta oo fududaynaya gudashadada waajibaad-kooda shaqo iyo sidii ay qaranka ugu adeegi lahaayeen habka ugu tayada sarreeya aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

 

 

Intaas ka dib waxa halkaas warbixino kooban ka soo jeediyey Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhawrista oo dhammaantoodba ka warbixiyey hannaanka ay shaqada u waddaan, waxyaabihii u qabsoomay sannadkan, waxyaabaha u qorshaysan sannadka soo socda iyo baahiyaha la xidhiidha waaxaha ay masuulka ka yihiinba.

 

 

Waxa kale oo iyaguna dhankooda warbixin ku saabsan tabashooyinkooda shaqada ka soo jeediyey shirka qaar kamid ah shaqaale-weynaha xafiiska guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

 

Gabo-gabadii kullankana waxa soo xidhay shirkaas Agaasimaha guud ee Hay’adda Md, Xamse Suldaan Aadan, isaga oo ku boorriyey shaqaalaha isku-xidhnaanta, wadajirka dhexdooda ah iyo muhiimadda iskaashiga dhanka shaqadu uu u leeyahay xafiiska iyo guud ahaan qaranka Somalilandba.

 

ALLAA-MAHAD-LEH.