Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu ahayd, 05-03-2023 ka, ka qabsoomay Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayada JSL shirkii billaha ahaa ee shaqaale-weynaha Hay’adda iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda, ujeeddada guud ee shirka ayaa daarnayd dardar-gelinta hawlaha shaqo ee ay Hay’addu Qaranka ugu xil saaran tahay.

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu ahayd, 05-03-2023 ka, ka qabsoomay Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayada JSL shirkii billaha ahaa ee shaqaale-weynaha Hay’adda iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda, ujeeddada guud ee shirka ayaa daarnayd dardar-gelinta hawlaha shaqo ee ay Hay’addu Qaranka ugu xil saaran tahay.

Ibbo furkii shirka ka dib, waxa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Mukhtaar Maxamed Cali, isagga oo halkaas uga soo jeediyey shaqaalaha kelmed dhiirigelin ah oo taabanaysa in ay sida ugu hufan uguna heersarreysa u gutaan waajibaad-kooda shaqo, waxaana uu Guddoomiyuhu u ballanqaaday shaqaalaha inuu diyaar u yahay isla markaana ay heli doonaan wax kasta oo fududaynaya gudashadada waajibaad-kooda shaqo iyo sidii ay qaranka ugu adeegi lahaayeen habka ugu tayada sarreeya aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

 

Intii shirku socday waxa halkaasi lagu doortay xubno gudi ah, kuwaas si dhow ula socon doona baahiyaha shaqaalaha Hay’adda ku yimaada, isla markaasina urruurin doona qaadhan kooban oo lagu taageeri doono xubinta shaqaalaha ah ee dhibaato la soo deristo. Alle innaguma keene.

Waxa kale oo iyaguna dhankooda warbixin ku saabsan tabashooyinkooda shaqada ka soo jeediyey shirka qaar ka mid ah shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

 

Gabo-gabadii kullankana waxa soo xidhay Agaasimaha guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada Md, Xamse Suldaan Aadan, isaga oo ku boorriyey shaqaalaha isku-xidhnaanta, wadajirka dhexdooda ah iyo muhiimadda iskaashiga dhanka shaqadu uu u leeyahay xafiiska iyo guud ahaan Qarankaba.

 

ALLAA-MAHAD-LEH.