Waxa maanta oo ku taariikheysan Khamiis 26-kii bisha 1aad, sannadka 2023 ka qabsoomay Xarunta Guue ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL (Magaalada Hargeysa), kulan ay isugu yimaaddeen Warshadleeyda soo saarta biyaha ee Gobolka Maroodi jeex iyo Hay’adda Dhawrista Tayada JSL. Kulan-kaas ayaa daarnaa shaacinta summad-tayeedka agabka (Product Quality Mark). Nidaamkan summad-tayeedka ayaa ah mid ujeedkiisu yahay kor-u-qaadista tayada waxsoosaarka Dalka, gaar ahaan biyaha. Kulankan waxaa ka soo qayb galay: Masuuliyiinta Hay’adda Dhawrista Tayada iyo masuuliyiin ka socotay warshadaha soo saara biyaha kala duwan ee dalka lagu farsameeyo.
Kulankaas ayaa ku soo dhammaaday is-faham iyo jawi deggen oo khulaasadiisu tahay in si dhow ay wada-shaqayn u yeeshaan Warshadleyda Biyaha iyo Hay’adda Dhawrista Tayada oo Qaranka uga masuul ah ilaalinta tayada iyo bedqabka cuntada, dawada, kiriimada, agabka iyo dhammaan badeecadaha Dalka soo galaya ama kuwa lagu farsameeyo intaba.