Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2dii bisha October-2022, Axad, waxa ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Hay’adda Dhawrista Tayada, shirkii saddex biloodlaha ahaa ee Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

Shirkaas oo uu Guddoominayay, Guddoomiyaha guddida, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, Mudane, Mukhtaar Maxamed Cali oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Md, Xamse Cabdi Ibraahim, Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax iyo xubnaha Kominshka ee Hay’adda, ayaa intii uu socday waxa lagaga dooday heer-tayeeddada kala ah: Heer-tayeedka Hadhuudhka, Galleyda, Basasha, Xabxabka, Timirta iyo Malabka iyo weliba sidoo kale saliiddaha kala ah: Sunflower oil, Seasame oil iyo Palm oil.

Ugu danbayntiina waxa ay guddidu halkaas cod gacan-taag ah ku ansaxiyeen 12 heer-tayeed” oo Qaranku yeelan doono.
Allaa-mahad-leh