Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa maanta Hotel Baraar ee Magaalada Hargaysa ka daahfurtay Summadda Tayada Qaranka JSL (Somaliland Quality Product Mark).

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa maanta Hotel Baraar ee Magaalada Hargaysa ka daahfurtay Summadda Tayada Qaranka JSL (Somaliland Quality Product Mark).

Munaasabadda Daahfurka Summadda Tayada Qaranka ayaa waxa ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira Wasiirro, Wasiir-ku-xigeenno, Guddoomiyeyaal xarumo dawladeed, Agaasimayaal Guud, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa, baarlamaanka, martisharaf ka mid ah aqoonyahanka dalka iyo guud ahaan shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada. Waxa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa warshado door ah oo ka mid ah warshadaha wax-soo-saarka ee dalka ku yaalla, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Shirkadda Biyaha ee Durdur iyo Warshadda Kalluunka ee Somtuna.

Mas’uuliyiintaas kala duwan eek a soo qayb galay xafladda ayaa intii kulanku socday halkaas ka soo jeediyey kelmedo kooban oo daarran ahmiyada uu leeyahay tayo-dhawrka iyo ilaalinta la ilaalinayo bedqabka agabka iyo anfaaciga ay shacabka Somaliland isticmaalayaan [kuwa dibedda ka imanaya iyo kuwa dalka lagu warshadeeyo labadaba]. Waxa kale oo masuuliyiintii madashaas ku casuumnaa ay halkaas uga soo jeediyeen Hay’adda Dhawrista Tayada mahadnaq iyo bogaadin, iyaga oo ku bogaadinaya shaqada balladhan ee Hay’addu ay qaranka u hayso, weliba si gaar ah in Hay’addu ay haatan daahfurtay Astaanta Summadda Tayada Qaranka (Quality Mark), taas oo la siin doono dhammaan warshadaha wax-soo-saarka ee dalka ku yaalla ee buuxiya shuruudaha Hay’addu ku bixiso summad tayeedka qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Mukhtaar Maxamed Cali, oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay ujeedka ay Hay’addu ka leedahay bixinta Summad Tayeedka Qaranka iyo weliba ahmiyadda Summadda Tayadu ay u leedahay warashadaha qaadanaya naf ahaantooda.

Gebogabadii xafladda waxa halkaas lagu guddoonsiiyey Shaadada Summada Tayada Qaranka labadii warshadood ee ugu horreeyey oo kala ahaa warshadda biyaha ee Durdur iyo warshadda kalluunka ee Somtuna. Labadaas warshadood oo Hay’adda Dhawrista Tayadu ay u aqoonsatay in ay buuxiyeen dhammaan halbeeggii iyo shuruudihii looga baahnaa ee summad tayeedka Qaranka.

Alle Ayaa Mahad Leh