Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Md, Xamse Cabdi Ibraahin, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax, Ayaa Maanta Magaaladda Hargaysay Tababar ku saabsan Lingaxa iyo Moorinta uga furay Warshadlayda Gobolka Maroodi Jeex, tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Dhawrista Tayada.
Tababarkan ayaa intii uu socdo waxa lagu baranayey Habraaca lingaxa iyo Moorinta, kaas oo saldhig u ah aas-aaska wax soo saarka wanaagsan.
Gabo-gabadii tobabarka waxaa lagaga wada hadlaya sidi loo xoojin lahaa wada shaqaynta Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Warshadlayda. Sidoo kale in la sii wado tobabarada noocan oo kale ah.