Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Xamse Cabdi Ibraahim, Oo Socdaal Shaqo ku jooga Magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka ayaa kormeer ku tegay Shaybaadhka Qaran ee Magaaladda Berbera iyo Xafiiska Hay’adda Dhawrista Tayadu ku leedahay Guddaha Dekedda Berbera.
Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa intii uu halkaasi kormeerka shaqo ku joogay kulamo la yeeshay Shaqaalaha Shaybaadhka Qaranka iyo Shaqaalaha Xafiiska Gobolka Saaxil ee Hay’adda iyadoo uu Guddoomiye ku xigeenku halkaasi warbixin kaga dhegaysta Maamulaha Shaybaadhka Qaranka iyo Isu-duwaha Hay’adda ee Gobolka Saaxil.
ALLAA-MAHAD-LEH.