Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Xamse Cabdi Ibraahim, Ayaa Maanta Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa tobbabar uga furay Guddida Diyaarinta Heertayeedyada. Tabbabarkan oo ku saabsanaa samaynta heertayeedyada dallagga beeraha (Support of Agricultural Production and Quality Assurance in Somaliland ).
Tababbarkan ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, iyada oo inta uu socdo lagu baran doono hannaanka loo sameeyo heertayeedyada dallagga beeraha.
Tobbabarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Hay’adda Smart Vision oo gacan ka helaysa Hay’adda “GIZ”.