Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo kormeeray qaybaha kale duwan ee Hay’adda Dhawrista Tayadu ay ku leedahay magaalo-xeebeedka Berbera, kuwaas oo ay ka mid yihiin: xafiisyada gobolka (gudaha dekedda iyo barxadda dekedda) iyo sidoo kale Xarunta Shaybaadhka Qaranka ee magaalada Berbera.
Waxa sidoo kale halkaas Guddoomiyaha warbxin kooban ku siiyey mas’uuliyiinta Hay’adda Dhawrista Tayada ee Gobolka Saaxil. Masuuliyiintaas oo Guddoomiyaha uga warbixiyey sida ay u socdaan hawlaha ay qaranka iyo hay’addaba u hayaan xafiisyadaas hay’addu ay ku leedahay magaalada Berbera, waxa aanay tilmaameen in dhammaan hawlaha-shaqo ay u socdaan sidii ugu habboonayd.
Ugu danbayntii Guddoomiyaha Hay’adda Md, Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kula dardaarmay maamulka iyo shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee gobolka saaxil in shaqada ay Qaranka u hayaan ay u gutaan sida ugu quruxda badan, dedaalkoodana labanlaabaan–oo xil weyn iska saranaan badqabka bulshada reer Somaliland, hubiyaana badeecadaha kala duwan ee dalka soo gelaya; gaar ahaan agabka iyo badeecadaha ka soo degaya Dekadda Berbera.
ALLE AYAA MAHAD LEH