Tababarkan ayaa intii uu socday waxa lagu baranayey Habraaca nadaafada wanaagsan ( Good Hygiene Practice) kaasi oo saldhiga u ah aas-aaska wax soo saarka wanaagsan, Habraaca lagu hubiyo nadaafada, bad-qabka Cunada iyo Habraaca ka hortaga khataraha ama HACCP, oo ah nidaam ka hortaga khataraha cunada kaga imman kara inta ay habayntu ku jirto iyadoo la dajinayo talaabooyin lagu dhimayo heerka khataraha.
Tababarkan ay waxa uu socday muddo afar cisho ah, iyadoo intii uu socday uu faa’ido weyn u lahaa Warshadaha Dalka, taas oo keenaysa in lagu kal-soonaado wax soo-saarka Warshadaha kala duwan ee Dalka.