Somaliland Quality Control

Telephone

+252 63 525729

Office Address

Nearby Dayib Guray School

Media

Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Xamse Cabdi Ibraahim iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax, ayaa Maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL tabobbar uga daahfuray Agaasime-waaxeedyada, Agaasime-ku-xigeennada iyo Xoghaymaha Hay’adda,

 

tabobbar ku saabsan “Hab-qoraalka toolmoon ee Afsoomaliga.”

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo halkaas hadal furfurid iyo dhiirigelin ah uga jeediyey Hawl-wadeennada Hay’adda ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda uu u leeyahay tababarkani guud ahaan shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

 

Tabobbar kan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa inta uu socdo waxa lagu baran doonaa ama ay kaga faa’iidaysan doonaan Hawl-wadeennada Hay’addu: Barashada Naxwaha Afsoomaaliga iyo Hannaanka hab-qorista toolmoon