Maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-dii bisha February-2023, Axad, waxa ka qabsoomay Xarunta Hay’adda Dhawrista Tayada, shirkii saddex biloodlaha ahaa ee Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.
Shirkaas oo uu Guddoominayay, Guddoomiye ku xigeen-ka Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane, Xamse Cabdi Ibraahim, oo uu weheliyo, Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Md, Xamse Suldaan Aadan Faarax iyo xubnaha Kominshka ee Hay’adda, ayaa intii uu socday waxa lagaga dooday heer-tayeeddada kala ah: Heer-tayeedka, Brown sugar, Peanut butter, Butter, Potable water, Yoghurt, …